Akhri xikmadoyin
Qormadaan Gaaban Waxaa Akhristayaasha Kula Wadaagayaa Erayo Iyo Xikmado Dhiiri Galin Ah Oo Kasoo Aruuriyay Ilo Kala Duwan. Caruurta Quluubtoodu Waa Nadiif Laakiin Dharkooda Ayaa Wasakh Ah, Dadka Waaweyna Dharkooda Ayaa Nadiif Ah, Laakiin Qalbiyadoodu Waa Wasakh, Kuwo Allah (SWT) Ka Badbaadiyay Mooyee,. Shimbir Geed Dul Fadhida Marnaba Kama Cabsato In Laanta Ay Saaran Tahay La Jabto, Sababtoo Ah Kalsoonideedu Ma Aha Laanta Balse Waa Baalasheeda. Had & Jeer Ku Kalsoonow Naftaada. Qorrax-Dhaca Halkan Waxay Qorrax Soo Bax U Tahay Dhinac Kale Oo Aduunka Ka Mid Ah. Ha Quusan Sababtoo Ah Wax U Muuqda Dhamaad Ayaa Xaqiiqdii Ah Bilow Cusub. Muhim Maaha Inaad Ka Xanaaqdo Wax Dhabarkaaga Laga Yiri Waayo Hortaada Lagama Odhan Karo. Ha Ku Dadaalin Inaad Dhisato Guri Weyn Oo Aad Ku Noolaato, Laakiin Ku Dadaal Inaad Dhisato Guri Aad Ku Noolaato Oo Xasiloon Oo Ay Ka Dhex Iftiimayso Akhlaaq Wanaagsan Iyo Allah Ka Cabsi. Awood Uma Lihid Inaad Bedesho ...