Dhiri gilinka nolasha jeceyljeceyl

11 siyaabod aad naftaada ku dhiiri galin kartid (Waa Muhiim)
Ma jirta haw intaad bilowday ka dibna aad ka caajistay ama ka niyad jabtay? Waxa la idhi hadaad heli lahayd qof markasta ku ag taagan ama ku ag jooga oo mar walba naftada wanaaga iyo wixi anfac leh kugu dhirin laha bani aadmiga dadka ugu roon ayaad noqon lahayd. Hadaba madama aanad helayn qof markasta inta kula taagan maxaa xal ah? Xagan waxan kuso qodobeeyey siyaabaha ugu fudud ee aad naftaada ku dhiri galin lahayd.
1.       Naftaada heshiis la gal: heshiiska aad naftaada la galaysid wuxu noqon kara mid yar ama mid wayn. Tusaale ahaan naftaada waxaad ku tirahdaa hadaan laba bog o quranka ah aan qaybo casho qaali ah ayaan caawa suuqa ka cunaya.
2.       Iska dhig qof markiisa hore dhiiran: haday jirto hawl aanad u dhiranayn inaad qabatid ama caajis ku hayo waxaad markaaga hore si nafsaaniyad ah naftada uga dhigta qof xiiso hawsha u haya. Waxa la yaab leh isla daqiiqado gudahood niyadaadu wey isbedalaysa oo xiisaa ku galaya.
 
3.       Waxad iswaydiisa su’aalo niyadaada kor u qaadaya: subax kasta markaad toostid waxaad iswaydiisa su’aalahan oo kale:
Wa maxay waxaan ku faraxsanahay maanta?
Wa maxay sababta aan waxan ugu faraxsanahay?
Dareen nooce ah ayu waxani (ku bedel waxa ka farxinaya xagan) i galinaya?
Waa muhim inaad dareenta sidu ku dareensiinayo. Markan ka fakiro siiba su’aasha u danbaysa waxa i gala dareen farxad badan. Ha isku soo koobin su’aalahan oo kaliya, ka fakir qaado ka dibna su’aalo nolashaada ku saabsan oo ku farxad galinaya ama ku xiiso galinaya is waydii subax kasta.
4.       Yeelo hadaf sareeya: waa inaad yeelata hadaf wayn iyo hadaf cayiman. Hadafka sareeya wuxu naftaada galin karaa dhiro galin badan siiba markad maalinkasta inyar inyar hadafkaaga inyar u jirsato.
5.       Waxaad ka bilowda wax yar kadibna hore u soco: waxaad ka bilaabi karta oo kaliya inaad miiska aad wax ku akhrisanaysid iska habayso ama masaxdo ama aad agagaarkaaga iska nidaamiso, markaad intaa qabatid waxa ku helaya dareen ah inaad wax qabatay kadibna hore ayaad uga socon karta ama hawshaada u gudo gali karta.
6.       Hawshaada inta ugu culus ama ugu adag ka bilow: markaad isdhaafisid ama qabatid hawsha ugu culus ama ugu adag aad maalinta leedahay isla markiiba waxaad dareenmaysa in maalinkaagu fududaday.
7.       Wakhtigaaga qaado markad hawsha bilaabaysid: xagaad hawshaada si dagdag ah ama qabqab ah ugu bilaabi lahayd waxa qurux badan inaad wakhtigaaga ku qaadatid iyo si xasiloon inta hore kadibna aad xawarahaaga kordhisid.
 
8.       Naftada cid aan ahayn ha barbar dhigin: markaad naftaada aad barbar dhigtid qof kale wuxu dhaawac u gayn kara kalsoonidaada iyo dhiranaantada, waayo markasta waxa jira qof kaa gulo badan. Waxa haboon inaad naftada oo kaliya is barbar dhigtid, sanadkan sanadkii hore maxa isbedel naftayda ku imi iyo maxan hor mar gaadhay.
 
9.       Xasuusno guulaha aad gaadhay:waxa si fudud loo ilaabi kara guulaha aad gaadhay waxana markasta qofkasta ku soo laabta gul darada kaga timi nolasha. Marka si aad horumar nolashaada u gaadhid waa inaad labadan kala badashid oo xasuusnaata guulahad gaadhay.
 
10.   Ku dayo dadka wanwanaagsan: ma leedahay qof aad hiigsatid ama aad jeceshahay sifaadkooda? Waxa nooloshaada bedali kara ama kobcin kara inaad dadka sifaadka wanaagsan kaga dayatid.
 
11.   Ha ilaabin inaad naftaada madadaalisid: si aanad stress ama culays badan u dareenmin waa inaad naftaada madadaalisid.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Akhri xikmadoyin

Erayo jaceyl

FARIIMO JACAYL AH