Xikmadahaan waxay kala yihiin
Xikmadahaan waxay kala yihiin:
Maanta aad baad u qurux badan tahay maxaa yeelay daqiiqad walba waad qurux badan tahay. Taasii waxay sababaysaa qofka aad jeceshahay inuu si aad ah u dareemo jaceylka aad u qabto.
Waxaa inoo dhexeeya badweyn, buuro iyo weliba wadammo sidaas oo ay tahay ka daalo inaan kuu soo bandhigto jaceylka aan kuu qabo si aan u mideeyo wadneyaasheenna. Taasi waxay dareensiinaysaa qofka aad dhaheyso haduu yahay gabar iyo wiilba inuu ogaado jaceylka baaxada wayn ee aad u qabto waxaana halkaas ka dhalanaya kalsooni buuran iyadoona iyadoo sal adag uu ku fariisinayo jaceylkiinna. Waxaan jeclahay inaan noqdo ilmadaada taasoo kasoo qubanaysaa indhahaaga quruxda badan soona maraysaa dhabankaaga macaanka badan kuna dhacaysaa faruuryahaaga balse ma doonayo inaad noqoto ilmadayda mar waliba waa waa ay daadataa, ma doonayo inaan mar walba ku waayo oo aad iga dhamaato. Dadka waxay jecelyihiin inay noqdaan qorraxda si iyagu ay nuuraan sida qorraxdii oo kale balse anigu waxaan jeclahay inaan noqdo dayaxa si aan kuugu ifiyo xilliyada aad mugdiga ku jirto oo aysan xilligaas qoraxda jirin. Waxaan ka cabsanayaa inaan indhahayga isku xiro maxaa yeelay adiga ayaan ku xasuusan sidaas darteed waxaan ka cabsanayaa inaan markaan indhahayga kala furo aan ku waayo. Mana doonayo inaan faruuryahayga dhaqaajiyo anigoon kula hadlin taasi waa jaceylka baaxada leh ee aan kuu qabo ee marna ha iga fogaan. Farahayga qeybo badan ayaa Alle uu sameeyay waxaa buuxin kara oo kaliya farahaaga si aan isku buuxinno mar waliba gacmaha aan is haysanno. Qeyb walba oo ka mid ah jirkayga adiga ayaa ku baahay oo ay ku tebayaan. sidaas daraadeed waxaan u maleeyaa inaad tahay ruuxii la isoo diray.
Cid aan Alle ahayn ma joojin karto shimbiraha dul heehaabaya dunida dacalladeeda, cid aan Alle ahayn ma joojin karto malaayga biyaha dhex dabaalanaya, cid aan Alle ahayn igama joojin karto xiisaha balaaran ee kuu qabo.
Mar walba waxaan u maleeya dhicitaanka taleefanka aan haysto inaad adiga tahay mararka qaar isagoo aan soo dhicin xittaa waxaan moodaa inaad adiga soo wacday. Taleefoonka waxaa laga yaabaa inuu leeyahay space banaan laakiin qalbigayga malahan meel banaan oo adiga ayaa buuxiyay.
2/19/2018 4:51:14 pm
|
Qelcome
ReplyDeleteBlackjack at Casinos in Columbus, OH - Mapyro
ReplyDeleteCompare casinos 안동 출장안마 in 인천광역 출장안마 Columbus, OH and see if you 태백 출장마사지 like 서산 출장안마 Blackjack, 하남 출장샵 Poker, Texas Hold'em and other table games.
joya shoes 944a0hzpyt751 joya sko,joya sko,joya skor,Cipő joya,zapatos joya,joya schoenen verkooppunten,Scarpe joya,chaussures joya,joya schuhe wien,joya schuhe joya shoes 777i4ckfit269
ReplyDelete